Fannaanada Qamar Cabdullaahi Harawo oo lagu xeray Turkiga

Fannaanada Qamar Cabdullaahi Harawo oo lagu xeray Turkiga


Warar ayaa xaqiijinaaya in dalka Turkiga ay ku xeran tahay Fannaanada Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Qamar Cabdullaahi Harawo xili ay safar ku aheyd garoonka diyaaradaha Atatürk ee magaalada Stanbul.
Qamar-harawoXariga Fannaanada ayaa ka dambeeyay kadib markii qof la socotay fannaanada ay ka baxsatay garoonka xili ay socotay baarista documentiyada ay ku socdaalayeen, taasoo keentay in Fannaanada loo qabto.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada amaanka garoonka ay weydiinayaan xiriirka ka dhaxeeya qofka garoonka ka baxsaday iyo meesha uu u baxsaday.
Wararku waxay sheegayaan in qofka garoonka ka baxsaday iyo Fannaanada ay isku safar kaliya ahaayeen, xarigeedana uu yahay mid si qalad ah ay ciidamada amaanka u haystaan, wallow aan warkaasi la hubin.
Qamar Cabdullaahi Harawo waxay ka mid aheyd Fannaaniintii Hobolada Waaberi, kuwooda ka dhex muuqda fanka, waxayna ka qeyb qaadatay jilista iyo heesaha dhowr Riwaayadood oo caan ka ah guud ahaan Soomaaliya.
Tan iyo markii ay bilowdeen duulimaadyada ay shirkadda Turkish Airline ay ku tageyso Muqdisho waxaa soo kordhay ku safrida documentiyada been abuurka ah iyo kuwa shabaha ee looga soo baxayo Muqdisho, taasoo keentay in la bartilmaameedsado wixii midib Soomaaliyeed leh.


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada