Fabio Coentrao ayaa u barbareeyay xilligii dhimashada ciyaarta xulka Portugal oo barbaro 3-3 ah ku qabtay Isreal ciyaar ka tirsaneyd isreebreebka koobka adduunka.
Cristiano Ronaldo iyo asxaabtiisa ayaa muuqday kuwa maalin fiican ku qaadanaya Tel Aviv markii Bruno Alves uu hogaanka u dhiibay in ka yar markii ay labo daqiiqo socotay.
Laakiin inkastoo ay ciyaarta koontaroolayeen hadana waa ay ku guuldareysteen inay hogaanka sii dheereystaan, waxaana Isreal ay heshay goolka barbaraha uu u saxiixay Hemed ka hor inta uusan hogaanka u dhiibin Basar, waxaana ciyaarat 3-1 ka dhigay Rami Gershon.
Laakiin Ronaldo ayaa ugu danbeyn saameyn fiican ku yeeshay ciyaarta markii uu si fiican ugu shaqeeyay Helder Postiga oo gool u soo celiyay labo daqiiqo ka dib markii goolka seddexaad laga dhaliyay.
Ka dibna waa biraha kubado ku dhuftay Coentrao iyo Hugo Almeida oo bedel ku soo galay, iyadoo aakhirkii uu Coentrao dhaliyay goolka guusha oo hal dhibic u badbaadiyay xulka Portugal.
Labada xul ayaa ku jira Group F ee isreebreebka koobka adduunka ee Qaarada Yurub, waxaana Portugal iyo Isreal oo min shan kulan ciyaaray ay wada leeyihiin 8 dhibcood, halka group-kaan ay 12 dhibcood ku hogaamineyso Russia oo afar kulan ciyaartay.
_____________________________Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:06 and have
, Published at