Xaalada magaalada Marka oo caawa degan iyo dhinacyadii dagaalamay oo isku hor fadhiya

Xaalada magaalada Marka oo caawa degan iyo dhinacyadii dagaalamay oo isku hor fadhiya

Xaalada magaalada Marka ayaa caawa degan, kadib dagaal culus oo u dhaxeeyay labo ciidan uu maanta ka dhacay gudaha degmadaas, iyadoo magaalada ay caawa u qeybsan tahay labo dhinac.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 3-ruux, halka lix kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo ahaa dad rayid ah iyo labadii dhinac ee dagaalamay.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dhaawacmay uu ku jiro Taliyaha guutada shanaad ee Ciidamada xooga dalka Col. Liibaan Madaxweyne iyo saddex kale oo shacab ahaa, kuwaasoo dhaawacooda ay qaadeen Ciidamada AMISOM.

Dagaalka labada dhinac oo socday muddo saacado ayaa waxaa soo kala dhex galay Ciidamada AMISOM iyo maamulka deegaanka.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur ayaa ku eedeeyay dagaalka inay ka dambeeyeen Ciidamo uu sheegay in hab beeleed u abaabulan yihiin, kuwaasoo uu xusay inay ka goos-qabaan wasaarada Arrimaha gudaha iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

“Mar hore ayay jirtay hadal heynta, anagana waa nagu badatay ciidamo beeleedkaan, waxaa cabasho u gudbineynaa wasaarada arrimaha gudaha iyo xafiiska ra’isul wasaaraha, hadii la sheegay in boolis ahaan u shaqeynayaan anaga wadnaha farta ku heynay inay sameyn karaan waxyaabo nuucaan iyo kuwa ka sii daran, Tallaabo ayaana ka qaadaneynaa”ayuu yiri C/qaadir Siidii.

C/qaadir Siidii ayaa sheegay in ciidanka ay aheyd in laga qaado magaalada oo la xareeyo, ama hubka laga dhigo, isagoo muujiyo in hadii ay sii joogaan ay dhibaatada sii badan karto sida uu yiri.

Dadka magalaada Marka ayaa soo sheegaya in dhinacyadii dagaalamay ay isku hor fadhiyaan magaalada, ayna labo dhinac u kala qeybsan tahay, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale labada dhinac dagaalamaan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Xukuumada Soomaaliya oo ku aadan dagaalka galabta ka dhacay magaalada Marka, ee dhex maray Ciidamo hab beeleed u abaabulaan, balse dhinac ka mid ay ahayeen Ciidamada Milateriga, halka dhinaca kale ay ahaayeen Ciidamo Madani ah.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada