daajis.com:-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Andres Iniesta ayaa sheegay in Lionel Messi uu qeyb weyn ka yahay kooxdooda islamarkaana ay ku tiirsan yihiin.
Xiddiga reer Argentina ayaa dhaawac uu soo gaaray lugtii hore ee wareega 8da Champions League ee ay PSG kula ciyaareen Paris, waxaana shaki uu ku jiraa inuu ciyaari karo kulanka habeen danbe.
“Waxaan arki doonaa maanta ama berri hadii Leo uu ciyaari karo. Waxa ay ku xiran tahay sida uu dareemayo. Ka dib ayay tababarayaasha go’aansan doonaan hadii uu ciyaarayo iyo hadii kale” ayuu Iniesta ku sheegay shir jaraa’id uu xilli dhow qabtay.
“Waxa uu qabaa dhaawac sidaasi darteed waxa ay u baahan yihiin inay wadahadlaan oo go’aan qaataan. Muran la’aan kooxda waxa ay ku tiirsan tahay Messi marka loo fiiriyo inuu yahay ciyaaryahan aasaasi ah, laakiin hadana Messi kaligiis kuma tiirsanin sababtoo ah waxaan nahay koox heysata ciyaartoy badan oo goolal dhalin kara.
“Waxaan u baahanahay inaan gaarno bisha June anagoo ku guuleysanay koobabka inoo banaan oo dhan. Leo waa ciyaaryahan muhim inoo ah, waa numberka 1aad.”
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:39 and have
, Published at