Dowladda Federalka iyo Maamulka Somaliland oo u midoobayo Dagaalka lagu jiro Kooxda Alshabaab !(Top News).

Dowladda Federalka iyo Maamulka Somaliland oo u midoobayo Dagaalka lagu jiro Kooxda Alshabaab !(Top News).

daajis.com:-Dowladda Federalka Somalia iyo Maamulka Somaliland ee ka arrimiya Goballadda W/galeed, ayaa waxaa haatan u furmay Jawi cusub oo ay si niyadsami leh isaga kaashan karaan Arrimaha Sugidda Ammaanka iyo Dagaalladda lagula jiro Kooxda Alshabaab iyo Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Qoddobka Iskaashiga dhinaca Ammaanka, ayaa waxa uu ka mid ahaa Toddobaddii qoddob ee ay Dowladda Federalka iyo Maamulka Somalia ku kala saxiixdeen dalka Turkiga, iyadoo Qoddobkaasi loo arko kan ugu muhiimsan ee ay labada dhinac iska kaashan karaan, maadaama ay Nabadgeliyo-xumidda saamayn xooggan ku yeelatay guud ahaan dalka Somalia.

Khubarradda Milliteriga iyo kuwa Bulshadda ayaa rumeysan inay Dowladda Federalka iyo Mamaulka Somaliland haystaan fursaddo dahabi ah oo lagu wiiqi karo Kooxda Alshabaab oo uu Hoggaamiyo Axmed Cabdi Godane oo isagu asal ahaan ka soo jeeda Gobalka Togdheer ee Maamulka Somaliland ka arrimiyo.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan haddii ay Madaxda Labada dhinac iska kaashadaan dhinacyadda Sirdoonka iyo Hawlgalladda lagu baacsanayo xubnaha Alshabaab ee isaga kala goosha Goballadda Koonfurta iyo kuwa W/galbeed dalka Somalia.

Maamulka Somaliland waxay Hoggaamiyaha Alshabaab, Axmed Godane u arkaan Dembiile horey dhac Maaliyadeed uga soo geystay Somaliland, ka hor inta uusan Golihii Maxkamadaha Islaamiga oo uu ka noqday Madaxa ilaaliyayaasha gelbiya Wafuuddii Shisheeyaha ee soo booqan jirtey magaalladda Muqdisho.

Burburkii Golihii Maxkamadaha kadib, ayuu Axmed Godane ku biiray Kooxda Alshabaab ee uu hoggaamiyo.

Khatarta Axmed Godane iyo Kooxda Alshabaab waxaa lagu xusuustaa falalka qaraxyadda, dilalka iyo afduubka ay ka geysteen guud ahaan dalka Somalia, gaar ahaan magaalllooyinka Muqdisho, Hargeysa, Garowe iyo kuwo kale.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Somaliland ayaa waxaa looga fadhiyaa inay ku soo biiraan Hawlgalka Dowladda Federalka, si wax looga qabto Kooxda Alshabaab, iyadoo Warbixin ay horey u soo saartay Guddiga QM ee Kormeerka hubka ee dalka Somalia farta ku fiiqeen inay Somaliland iyo Puntland yihiin goobaha ay Kooxda Alshahaab ka helaan Saanadda Hubka ee ay deganaansho la’aanta kaga wadaan magaallada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Somalia iyo dalalka deriska.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Somaliland oo lagu xanto inay dhinac ka hurinayaan Deganaansho la’aanta Goballadda Koonfurta iyo Bartamaha Somalioa, ayaa waxay ku gawracan yihiin in ay ku soo biiraan Hawlgalka ay Dowladda Somalia iyo Ciiddamadda AMISOM kula dagaalmayaan Kooxaha Argagixisadda, siiba Alshabaab iyo Burcad-baddeeda.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada