Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dalka Norwey (Daawo Sawirada)

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dalka Norwey (Daawo Sawirada)

daajis.com:-Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheeekh Cismaan Jawaari ayaa gaaray magaallo madaxda dalka Norway ee Oslo halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Wafiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Oslo kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Norway iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Norway.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,gudoomiyeyaasha 15ka gudi ee Baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Gudoomiyaha.

Socdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ay ku joogaan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa yimid kadib markii uu Gudoomiyaha casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Norway waxaana inta uu jogoo magaalada Olso la kulmi doonaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Norway, mas’uuliyiin horey xilal kala sar sare dalkaasi ugasoo qabtay iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Norway.

Sidoo kale Gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Golaha Baarlamaanka ayaa iyaguna inta ay ku suganyihiin magaalada Oslo waxey la kulmi doonaan Gudoomiyeyaasha gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka dalka Norway.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada