daajis.com:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo maanta safarkiisii ugu horeeyey uga dhoofay magaalada Muqdisho, ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya xubno ka tirsan golaha Wasiirada ooo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin X. Maxamuud Faqi, Marwada R.wasaaraha Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi iyo saraakiil ka tirsan xafiiska.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada Jabuuti, waxaana kadib loo soo galbiyay xarunta madaxtooyada ee Jabuuti.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana kulankan oo ahaa mid gaar ah waxaa looga hadlay arrimaha dalka, gaar ahaana arrimaha Amniga iyo iskaashiga, waxaana markii uu soo gabagaboobay warbaahinta la hadlay Ra’iisal Wasaare Saacid oo xusay kulankooda ay uga wadahadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay iskaashiga labada dal, iyo sidoo kale deris wanaaga.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale, xusay in safarkan uu sidoo kale ku tagi doono dalalka Itoobiya, Uganda iyo Burundi, isaga oo rajo wanaagan ka muujiyay inay ka soo baxaan natiijo wanaagsan.
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:25 and have
, Published at