daajis.com:-Taageerayaasha ururka Al Qaacida ee inta badan loo yaqaan (Salafisten) oo isa soo aruursaday ayaa qarbudaad kula dhaqaaqay Safaarada cusub ee dalka Iiraan kuna taala magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.
Kooxahaan oo Mudaharaad rabshado watay dhigay waxa ay ku dhawaaqayeen kana soo horjeedeen Dawlada Iiraan oo ay ku tilmaameen in ay maal geliso Shiicada dadka Suniyiinta ah ku leeyneeysa dalalka Ciraaq iyo Syria.
Qaar ka mid ah kooxahaan Islaamiiyiinta ah ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan hadii ay Shiicada yimaadaan dalka Masar maadaama ayay yiraahdeen dadka Masaarida ah ay yihiin umad Suniyiin ah .
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at