daajis.com:-Madaxweynaha cusub ee Kenya Mr. Uhuru Kenyatta, ayaa maanta lagu caleema saaray xaflad weyn oo ka dhacday garoonka ciyaaraha ee kasarani stadium ee magaalada Nairobi.
Xafladda caleema-saarka Mr. Kenyatta ayaa waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 100,000 oo qof oo ay ku jiraan ilaa iyo 15 hogaamiye oo ka kala socday wadamada caalamka.
Mr. Kenneth Kaunda oo madaxweyne ka ahaan jiray dalka Zambia ayaa ka mid ahaa madaxda caanka ah ee munasabadda ka soo qayb-gashay.
Mr. Uhuru Kenyatta oo ku guulaystay doorashadii ka dhacday dalka Kenya horaantii bishii bishii March ee sanadkan, ayaa noqonaya madaxweynihii afaraad ee dalka kenya uu yeesho, waxaana aabihii Jomo Kenyatta uu ahaa madaxweyhihii ugu horeeyey ee ay Kenya yeelato.
Mr. Kenyatta iyo ku-xigeenkiisa William Ruto, ayaa maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada ay u heystaa eedo la xiriira inay lug ku lahaayeen danbiyo ka dhan ah aadanaha kadib qalalaasihii ka dhashay doorashadii Kenya shan sano ka hor oo dad badan ay ku dhinteen.
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:43 and have
, Published at