daajis.com:-Macallinka kooxda Tottenham, Andre Villas-Boas ayaa sheegay in xiddiggiisa uu dhawaan kusoo iibsaday 30-ka milyan ee Gini, Erik Lamela uu la halgamayo la qabsashada dalka Ingiriiska maadaama uusan xataa hal eray oo English ku hadli karin.
Weeraryahankan reer Argentina ayaa labadii xilli-ciyaareed ee lasoo dhaafay ka tirsanaa kooxda Roma, wuxuuna halgan adag hadda kala kulmayaa luqadda Ingiriiska marka laga soo tago la qabshada kubbadda cagta iyo dhaqanka England.
“Wuxuu wajahayaa dhibaatooyin badan, maxaa yeelay hal eray oo English ah kuma hadli karo”, ayuu yiri AVB.
“Waa in uu la qabsadaa dhaqanka cusub, waana hubaa wuu sameyn doonaa, laakiin ma hubo waqtiga ay ku qaadan doonto, balse wuu la qabsan doonaa” ayuu sii raaciyay.
Dalka Argentina ayaa looga hadlaa luqadda Spanishka, waxeyna inta badan ciyaartoyda reer Argentina ay dhib ku qabaan luqadda Ingiriiska marka ay yimaadaan England.
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 13:49 and have
, Published at