daajis.com:-Haddii uu jiri lahaa hal shey oo banii aadamku kawada simanyihiin, haddana kala dheeryihiin waxa ay ahaan lahayd kalsoonida qof walba uu ku qabo nafsadiisa.
Kalsoonidu waxa ay u sahlaysaa qofku hanweyn in uu yeesho, himiladiisanna uu gaaro. Waxa ay u sahlaysaa qofka dadku waxa ay ka sheegaan in uusan u aaba yeelin. Waxa ay u sahlaysaa qofka hanashada aragtida dheer, waxayna ka fogeynaysaa aragti-gaabnaanta iyo in uu la fadhi iyo fiiro wadaago dadka aragtida gaaban.
Waxa uu ahaa Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Franklin Roosevelt ninkii yiri, ” Dadka caqliga yar leh waxa ay ka sheekeystaan, ‘muxuu yiri iyo maxaa la yiri’. Dadka caqliga dhex-dhexaadka lihi waxa ay ka sheekeystaan ‘maxaa dhacay iyo maxaa meel heblaayo ka dhacay’. Dadka caqliga weyn lihina waxa ay ka sheekeystaan ‘afkaarta iyo sida loo dhaqan galin karo’.” Dabcan waxaa lugu doodi karaa nin walba kalsoonida nafsadiisa uu ku qabo ayuu kala darajo yahay martabadda caqligiisa.
Ninka ku kalsoon nafsadiisa, haddii la cadaabo iyo haddii la ciilaba waa iskugu mid. Ninka ku kalsoon nafsadiisa, haddii la xumeeyo iyo haddii laga xanaajiyaba waa iskugu mid. Waxa uu aaminsanyahay riyadiisa cidina in aysan hor istaagi karin. Waxa uu qorsheystaa noloshiisa sababta oo ah nolosha oo aan la qorsheysan waxa ay horseedaa nolosha oo lugu dhaco, lagana dhaco.
Ummaddii Muslimiinta aheyd ee taariikhda lama ilaawaanka ahaa ku soo kordhiyey caalamka aynu ku noolnahay, waxa ay kalsoonaadeen Allihii unkay. Ka dibna, waxa ay ku kalsoonaadeen nimcooyinkii Alle uu ku manaystey.
Bal ila eega tixdan gaaban oo uu tirshey Cismaan Yuusuf Keenadiid. Waxa ay daliil u tahay sida uu Cismaan Alle ugu kalsoonaa, ka dibna nimcooyinka Alle uu ugu kalsoonaadey.
Waxa uu ku faanayaa diintiisa, caqiidadiisa, akhlaaqdiisa, aragti- dheeraantiisa, cilmiga Quraanka iyo waliba dadka ajaaniibta ah in uusan shillinkoodana qaadan, shirkoodana ka qayb galin.
Allaahul Mustacaan.
Nin shukriga Illaah iyo shahaadada qiraan ahay,
Nin shuruudda tawxiidka ku shisheeyso yaan ahay,
Nimaan sharacu suu yiri aan ka shakineyn baan ahay,
Nin shafeecadii Nabiga shiinsanaayo yaan ahay,
Nin shabaab ahaantiisii, shareecada bartaan ahay,
Nin Shuuriyo Ancaam iyo Shucaraba dhigtaan ahay,
Nin shirrabay tafaasiirta oo sharaxana og baan ahay,
Wixii shuhubo iyo ceeb ah nin ka sheexayaan ahay,
Nin aan la shirrin ajnabiga oo shillinkoodana qaadan baan ahay,
Nin shamaadka taariikhda ka sheekeyn karaan ahay,
Nin shoofaarta gabaygana, shaacirkeeda ah baan ahay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:30 and have
, Published at