daajis.com:-Waxaan halkaan idin kugu soo gudbinaynaa gabay aad u qosol badan oo taabanaya arrimo badan haday ahaan dhanka siyaasada dhanka arrimaha bulshada sida guurka dhalinyarada maanta iyo qurbaha.
Gabaygaan ayaa lamagac baxay QOLO HfA WAYDIIN waxaana tirinaya majaajilaystaha caanka ah ee Gh Wiilwaal.
Erayada gabaygaan waxaa ka mid ah:
Qaboobahaan ka imidyo warkii Qubi ka soo yeedhay
Qosol kama filaysaan ninkay qiil ka sugayaane
Qodobada aan soo wado Wardooy qolo ha waydiin
Inay qoraxdu barri kaaga iman qolo ha waydiin
In quraanku Eebahay ka yimid qolo ha waydiin
Qaabiil inuu haabiil daldalay qolo ha waydiin
Qabri inuu inoo qodan yahayna qolo ha waydiin
War in qiyaamo la isugu imaan qolo ha waydiin.
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at