daajis.com:-Warar lagu kalsoonyahay oon helnay ayaa xaqiijinaya in Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Hay’ada Nabad Sugida ku leedahay Muqdisho ku kulmeen Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xaruntaasi ku xiran iyo Sheekh Axmed Madoobe oo Maalmahan Muqdisho ku sugan.
Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe oo maalmahan kusugan Magaalada Muqdisho ayaa Sheekh Xasan Daahir waxa uu kala hadlay arimo kala duwan ay ugu horeeso sidii Sheekha Xabsiga looga soo saari lahaa Sheekhna uu u qaadan lahaa Nabada iyo Dowladnimada.
Lama helin Xogo intaasi ka badan oo ku aadan Kulanka Qarsoodiga ah ee Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe) yeesheen ,waxaana Warar hor dhac aan helnay sheegayaan in Sheekh AXmed Madoobe uu qorsheenayo in Madaxda Dowlada kala hadlo arinta Sheekh Xasan Daahir si xabsiga looga daayo.
Hogaamiyihii Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo bilo kahor kasoo baxsaday Al-Shabaab ayaa hada ku xiran Xarunta Hay’ada Nabad Sugida ee Magaalada Muqdisho, waxa uuna marar kala duwan uu iska diiday Shuruudo lagu xiray in Xabsiga laga sii daaato uuna kunoolaado si xur ah .
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:12 and have
, Published at