daajis.com:-Qaraxihii Ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday mid ka mid ah horjoogayaashii ka qeeyb qaatay dagaalkii Kismaayo ka dhacay kaas oo deegaan ahaan ka soo jeeda magaalada Afmadow.
Horjoogahaan oo dhanka dagaalada Jubooyinka caan ka ahaa waxaa lagu magacaabi jiray C/Kariin Saalax balse guud ahaan gobolada Jubooyinka gaar ahaan gudaha magaalada Kismaayo waxaa looga yaqaanay Caabi-Seef kaas oo hogaamin jiray inta badan maleeshiyaadka ururka Raaskaanbooni.
Caabi Seef ayaa ku jiray wufuudii soo galbineeysay Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Weerar ismiidaamin ah lala eegtay xili uu ka soo dagay Garoonka Diyaardaaha Kismaayo kuna sii jeeday Madaxtooyada Kismaayo .
Horjoogahaan lagu magacaabo Caabi Seef wuxuu qeeyb libaax ka ahaa ama hogaaminayay maleeshiyaadkii jabiyay ciidamadii Col Bare Hiiraale oo kal hore laga saaray magaalada Kismaayo wuxuuna Caabi-Seef u geeriyooday firir ka soo gaaray dhanka madaxa.
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 13:44 and have
, Published at