War Deg Deg Ah Abuu Mansuur Al-imriki iyo labo Sargaal kale oo katirsan Al-Shabaab oo Maanta la dilay

War Deg Deg Ah Abuu Mansuur Al-imriki iyo labo Sargaal kale oo katirsan Al-Shabaab oo Maanta la dilay

daajis.com:-Laba hoggaamiye oo kooxaha Islaamiyiinta ah oo ka kala yimid dalalka Mareykanka iyo Britain ayaa lagu dilay Soomaaliya sida ay sheegeen dad goobjoog ah.


Dad deggan gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar ay al-Shabaab ku qaadday ay ku dileen Abu Mansuur al Amriki ama Omar Hammami oo Mareykan ah iyo Usama al-Britani, oo ah British asalkiisu Pakistan ka yimid, kuwaasi oo horey ay isugu dhaceen hoggaamiyaha al-Shabaab.

Waxaa kale oo lagu soo warramay in isna dagaalkaasi ay al-Shabaab ku qabteen nin u dhashay Masar.

Kooxda al-Shabaab ayaa bilihiigu danbeeyay waxa soo kala dhexgalay kala qeybsanaan, iyada oo dagaalyahaniinta ajnabiga ah iyo kuwo kaleba uu bartilmaameedsanayay hoggaamiyaha xagjirka ah ee al-Shabaab Ahmed Abdi Godane oo u dagaallamaya in dowlad islaami ah laga dhiso gobolka.

Shalay ayaa shir maalmahan uga socday culamaa'uddiinka Soomaalida magaalada Muqdisho waxaa uu gababadii ku soo saaray ururka al-Shabaab Fatwa uu ku tilmaanatay in ururkaasi uu yahay mid xagjir ah oo diinta si khalad ah u adeegsanaya, isla markaasina ayna bannaanayn in la taageero, ama laga mid noqdo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada