daajis.com:-Gabdhaha yar yar ee dalka Siiriya ee qaxootiga ah ayaa waxaa la sheegay in laga iibiyo raga odayaasha maalqabaeenada ah ee u dhashay dalkaas Sacuudi Carabiya iyadoona gabdhahaas yar yar maekii mudo la soo heysto la ceyriyo oo banaanka la soo dhigo .
Gabdhahaan yar yarka h oo ay da’adoodu u dhaxaysa 13 ilaa yo 14 sano jir ayaa waxaa la shaagay inay bililiqeysi iyo baadi goob xoogan ay ugu jiraan odayaasha maalqabeenada ah ee u dhashay dalkaas Sacuudi Carabiya iyo wadamo kale oo ka mid ah dalalka Khaliijka.
Gabdhahaan yar yar oo aan raali ka ahayn laakiinse danta ay ku qasabtey ayaa waxaa lagu iibiyaa lacago ilaa dhowr kun oo doolar ah oo la siiyo
qoyskooda.
_____________________
iyadoona halkaas lagu sameeyo guur been been ah oo ujeedada ka dambeysa ay tahay in lala raaxeysto oo kaliya gabdhaas yar yar ee curdanka ah iyadoona mudo ka dib banaanka loo soo tuuro marka laga dhameysto oo laga dhargo dantii laga lahaana laga gaaro iyadoo la leeyahay waa lagu furey.
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:41 and have
, Published at