daajis.com:-Dowladda Kenya ayaa adkeysay ammaanka garoomada dayuuradaha, iyadoo ka cabsi qabta in weeraro gantaalo ah lagu soo qaado.
Golaha ammaanka qaranka dalka Kenya ayaa codsaday in si weyn loo adkeeyo ammaanka garoonka dayuuradaha ee Jomo Kenyatta International Airport(JKIA) oo ah garoonka ugu weyn ee ku yaal geeska Afrika.
Waxaana uu goluhu uu amray in la kordhiyo garoonka dayuuradaha JKIA qalab casri ah oo lagu baaro dadka sida uu sheegay afhayeenka dowlada Kenya Manoah Esipisu.
Afar ruux oo asalkoodu yahay Soomaali ayaa sugaya maxkamad iyadoo loo haysto qarax ka dhacay garoonka dayuuradaha ee dalka Kenya balse qaraxaas ayaa hore dowlada Kenya waxa ay ugu tilmaantay in uu ahaa mid ka dhashay nal cillad gashay.
Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay weeraro lagu eedeeyay in ay geysteen kooxo Islaamiyiin ah iyadoo weerarkii ugu cuslaana ay ku dhinteen 67ruux bishii September ee sanadkii hore.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:13 and have
, Published at