daajis.com:-Addis Ababa (Ogadentoday Press)- Iyadoo Magaalada Addis Ababa ka socdaan qul-qulatooyin Siyaasadeed oo u dhaxeeya Qoomiyada Oromada oo ah qoomiyada oogu baddan Dalka Itoobiya Iyo Xukumada Dowlada Itoobiya ayaa waxaa la soo dhoobay nawaaxiga Magaalada Addis Ababa Ciidamo baddan oo Militari ah.
Ciidamadan ayaan la ogayn qorshaha dhabta ah ee ay doonayaan balse xeel dheerayaasha Siyaasada Itoobiya ayaa ku fasiray cabsi galin lagu samaynaya Qoomiyada Oromada oo kacdoon balaadhan wada kadib markii Ismaamulka Addis Ababa uu go,aan saday innuu balaadhiyo Xuduudiisa la qeexay sannadkii 1995.
Ciidamada Itoobiya ayaa dilay illaa Soddomeeyo arday Jaamacada ah iyadoo Mudaaharaadyo xooggan gil gileen Itoobiya walaacna galiyay Xisbiga EPRDF.

Itoobiya ayaa la filayaa in 2015 Dooradho balaadhan ka dhacdo midaas oo Qoomiyadaha Tigree iyo Axmaaradu isku hardinayso Siyaasada Dalka dhanka kalle walaac ay ka wada qabaan Awooda Siyaasadeed iyo wacyi galin ee Qoomiyada Oromada la soo baxayso.
xiggasho:- Ogadentoday Press
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:32 and have
, Published at