daajis.com:-Zinedine Zidane ayaa ah magacii ugu danbeeyay ee lala xiriiriyo shaqada Juventus haddii uu baxo Antonio Conte.
Tababaraha ayaa diiday inuu xaqiijiyo ama beeniyo waxa uu sameyn doono xilli ciyaareedka soo socda isagoo sheegay inuu u baahan yahay inuu la fariisto madaxweyne Andrea Agnelli oo uu kala hadlo istiraatiijiyadiisa suuqa kala iibsiga ka hor inta uusan go’aansan mustaqbalkiisa.
Maanta wargeyska La Gazzetta dello Sport ayaa soo jeedinaya magic cusub ee tartanka loogu jiro qofka bedelaya Conte, waxaana ay sheegeen xiddigii hore ee Bianconeri Zidane.
Zidane ayaa haatan caawiye u ah Carlo Ancelotti oo ay ka wada shaqeeyaan Real Madrid, waxaana uu sidoo kale kooxdaas ka yahay agaasime isboorti, laakiin wax qibrad ah uma lahan tababarenimo.

Seddex tababare kale ayaa loo magacaabay raga laga yaabo inay mushaharixiin u noqdaan bedelka tababaraha seddexda jeer hantay Scudetto ee Conte, waxaana ay kala yihiin Roberto Mancini, Luciano Spalleti iyo Massimiliano Allegri.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:58 and have
, Published at