daajis.com:-Alshabaab ayaa horay u shaaciyay inay kordhin doonaan dilal iyo
weerarada ay geysanayaan inta lagu gudo jiro bisha Barakeysan ee
Ramadaan, iyadoo looga bartay falalkaasi xili walba Ramadaanka marka la
gaaro.
Ururka Ahlu sunna ayaa dhankooda sheegay inay ka warheleen qorsha ay
damacsan yihiin Alshabaab, ayna sameeyeen diyaar garow ku aadan sidii ay
isaga difaaci lahaayeen weerarada ay geysanayaan ururka Alshabaab.
Sheikh
Isaaq Xuseen Mursal oo kamid ah saraakiisha sar sare ee ururka Ahlu
sunnada Koofureed ayaa sheegay inay ka warheleen ujeedooyinka Alshabaab
ay ka leeyihiin gobolka Gedo.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay diyaariyeen ciidamadii fashilin lahaa
arintaasi, maadaama sida uu sheegay ay difaacayaan shacabka ku dhaqan
gobolka Gedo.

Alshabaab ayaa dhankooda sheegay inay geysan doonaan dagaalo iyo weeraro ka dhaca goobaha ay ka taliso dowlada Soomaaliya.
Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda sameysay ciidamo ay ugu magac
dartay “Nabad ku anfur”, waxaana madaxda dowlada ay sheegeen inay
xaqiijin doonaan amaanka dalka Soomaaliya
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:17 and have
, Published at