daajis.com:-Laga bilaabo 24 oo ku beegan Tallaadada waxaa ka dhaqan gelaya dalka Ingiriiska sharciga cusub ee lagu mamnuucay ka ganacsiga iyo cunista maandooriyaha Qaadka ama Jaadka oo Soomaalida iyo tiro kale oo ajaaniibta bariga Afrika iyo Yeman ka yimaada.
Dowladda Ingriiska oo sharcigan cusub go'aamisay ay ku joojineysa Qaadka ayaa noqonaya mid Qaadka lagu daray qeybaha daroogada qeybta C, qofkii lagu helo isagoo cunaya ama ka ganacsanaya uu mudeysan doonaa ciqaab.
War kasoo baxay Dowladda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ciqaabaha qofka mudeysan karo ay ka mid yihiin, marka hore in digniin lagu siiyo, lagaana qaado wixii qaad ah ee aad cuni laheyd, marka labaad qofka marka lagu arko waxaa la ganaaxi doonaa 60 Pnd oo lacagta UK ah, ugu danbeyntiina hadii mar 3-aad lagugu qabto waxaa tahay xarig.
Soomaali badan ayaa walaac ka muujiyay dhaqangalka sharcigan ee bilaaban doono Tallaadada, halka tiro kale ay soo dhoweeyeen.
HALKAN KA DAAWO SOOMAALIDA UK IYO KHATKA
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 11:32 and have
, Published at