daajis.com:-Hooyo iyo gabar ay dhashay ayaa lugahooda ku waayay Duqeyn culus ay ka geesteen xadka ay wadaagaan Ciraaq iyo Siiriya Kooxaha Islaamiyiinta ah ee lagu Magacaabo ISIS kuwaa oo ka dagaalama Dalalka Ciraaq iyo Siiriya.
Zainab Haider oo ah gabar 15-sano jir ah iyo hooyadeed ayaa ku waayay lugahooda madfac kusoo dhacay gurigooda xili ay hurdayeen , waxaana hada Gabdhan iyo hooyadood lagu daweenayaa isbitaal.
Waxaa sidoo kale madfac qoyskan gurigooda kusoo dhacay ku dhintay gabar 10-sano jir ah halka Wiil 18-sano jir qoyskan kamid ah uu qaaday shook kaas oo la sheegay ilaa xiligan in uusan hadlin Karin uu shooksan yahay.
Dalka Ciraaq waxaa kasocda Dagaal culus oo u dhaxeeya Xoogaga Islaamiyiint ee ISIS iyo Dowlada Ciraaq , waxaana dagaaladaasi ku dhintay dad badan oo shacab ah halka kumanaan kalana ay ku barakaceen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:09 and have
, Published at