daajis.com:-Maamulka Xarakada Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Magaalada Baraawe waxa ay ka fureen Xarun loogu tala galay in lagu xanaaneeyo caruurta yar yar ee ku dayacan Deegaanada Al-Shabaab ka maamulaan Gobolkaasi.
Xarunta Al-Shabaab ee Degmada Baraawe ka hirgaliyeen waxaa loogu Magac daray Al-Amal , waxaana munaasabad balaaran oo xaruntaasi lagu furayay kasoo qeyb galay kana hadlay Saraakiil iyo Culumaa’udiin katirsan Xarakada Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ooka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in furitaanka xaruntaan ay uga gon leeyihiin sidii loogu dhaqan celin lahaa caruurta dib jirka ah ee noqday Caseeyaha iyo dadka kale ee dhaqan doorsoomay.
Abuu Cabdalla ayaa sidoo kale tilmaamay in xarunta Al-Amal ay fursad u siineyso in lagu dhaqan celiyo dadka Qurbaha ku soo halaabay ,kuwaa uu sheegay in fasahaad iyo fiqsi ay ka wadaan Magaalada Muqdisho .
Al-Shabaab ayaa Deegaanada ay kataliyaan waxa ay ka furan Xarumo caruurta iyo dadka kalaba lagu baro cilmiga , waxa ay sidoo kale furaan goobo kale oo dhalinyarada lagu baro qaabka dagaalka si ay ugu biiraan Dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Daawo Sawirada





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:45 and have
, Published at