daajis.com:-Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa maanta caasimadda Muqdisho dib ugu soo laabtay kadib markii uu kaga qeybgalay 18-19 bishan June Magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka oo gaba-gabadiisii laga soo saaray war murtiyeed lagu xusay taageerada Ururkaasi uu u haayo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiir kuxigeenku , waxa uu carabaabay in Wasiirada Arrimaha Dibadda dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ay soo dhoweeyeen dadaalada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso soo celinta nabadda iyo deganaanshaha , iyagoo isla qiray baahida loo qabo in la kordhiyo taageera maaliyadeed iyo mid siyaasadeed oo loo fidiyo Soomaaliya .
H.E. Mahad Mohamed Salad oo shir jaraa’id ku qabtay maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in uu ka qeybgalay Shirka kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, ayna ku ogolaadeen fadhigooda dib u howlgelinta Sanduuqa kaalmada Soomaaliya , kaasi oo loogu tala-galay in wadamada Islaamka deeqaha iyo yabooha maaliyadeed ay u soo marsiiyaan Soomaaliya .
Shirkaasi oo laga soo saaray war murtiyeed-ka Jeddah loogu magac daray ayaa waxaa lagu xusay horumarada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada ammaanka , dib u heshiisiinta iyo siyaasadda , waxaana loogu baaqay dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka iyo dhammaan hey’adaha maaliyadeed ee hoostaga Ururkaasi inay ka qeyb qaataan taageeridda dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo la dagaalanka argagaxisada .
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:48 and have
, Published at