daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa maanta booqasho ku tegay magaallooyinka Jowhar, Mahadaay, Xudur ee Bakool oo ka mid ah Gobolladda Shabellaha Dhexe iyo Bakool.
Madaxweynaha ayaa booqashadiisa ku bilaabay Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, isagoo u sii gudbay deegaanka Buurane ee Degmadda Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe, halkaasi oo uu dhagax dhigay Jamacadeed cusub oo Jaamacadda Banaadir dhawaan dhismaheedu bilaabi doonto isaga oo u mahad-celiyey Maamulka Jamaacadda Banaadir.
Madaxweynaha ayaa intaas kadib u gudbay Gobollka Bakool gaar ahaan magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka.
Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey maamulka Degmada Xudur iyo kan Gobolka Bakool.
Madaxweynaha wuxuu meel fagaare ah kula hadlay dadweyne u soo baxay soo dhaweynta isagoo u mahad celiyay, wuxuuna booqashadiisu ku sheegay in ay tahay u kuur-gelida xaaladda dhabta ah ee dadka gobollka degan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 13:35 and have
, Published at