daajis.com:-Warar anu kaheleyno Ciidamada Isbahaysiga Nabad iyo Midnimada Gobolada Jubboyinka ee ku sugan Deeganka Gobweyn ee duleedka Kismaayo ayaa waxaa so garay hub iyo ciidamo dheeri ah.
Sida uu ino sheegay Cabdilahi Maday oo ka mid ah dadka deeganka Sabco asharaad dagan waxaa maalmahan deegankaasi soo garayay Ciidamo ka kala yimid deegano kala duwan oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose iyo waliba Ciidamo Doonyo ay ka soo dad guraynayaan Magaalada Muqdisho kuwaas oo ku labisan dareyska Ciidamad Dowlada Fadaralka Somalia.
Sida aan ka helnay ilo lagu kalson yahay qalabka ka dagay xeebta deeganka Sabco asharaaf waxaa uu u badan yahay qoryaha lo yaqaano Jiib Gacmeedka iyo Basuukeyaasha kuwaas oo logu talagalay in lagula dagaalamo gadiidka dagaalka .
Si aan Xog badan uga ogaano halka ay Ciidamada Muqdisho ka imanaya ay ka tirsanayeen ayaa waxaa Shabakada Kismaayo24 ay Xiriir la samaysay Col Farxaan Xusein oo ka mid ah Sarakiisha Ciidamada Dowlada Somalia ee ka soo jeeda Gobolada Jubboyinka oo ku sugan Muqdisho.
Col Farxaan ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Muqdisho ka tagay ee Garay Gobweyn ay yihiin Ciidamadi beesha Sade ugu jiray Milatariga Somalia ee ku sugnaa Muqdisho iyo Sh dhexe kuwaas oo u dulqaadan wayay Tacadiyada Magaalada Kismaayo logu gaysanayo shacabki ay ka soo jeeden.

Dhanka kale Deeganka Gobweyn waxa ka bilowday diyaar garow dagaal kaas oo lagu qaadayo Magaalada Kismaayo oo u jirta 8 km waxaana Ciidamada Isbahaysiga Nabad iyo Midnimada Gobolada Jubboyinka ka go,an in ay Magaalada Kismaayo ka saaran kooxda Raskambooni oo dhib aad u weyn ku haysa shacabka Kismaayo qaybahooda kala duwan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:48 and have
, Published at