daajis.com:-Wararka laga helayo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in maanta deegaan hoostaga Magaaladaasi Siyaabo kala duwan loogu dilay ilaa shan Haween.
Haweenka la dilay ayaa la sheegay in ay dilkooda ka dambeeyeen dhinac kamid ah beelihii dhawaan ku dagaalamay Magaalada Marka iyo Deegaano kale oo katirsan Gobolka Sh/Hoose.
Mid kamid ah Haweenka ku dhaqan Magaalada Marka ayaa Warbaahinta u sheegtay in haweenka la dilay dilkooda ay ka dambeeyeen dhinac kamid ah kooxihii ku dagaalmay Marka oo ku eedeeyay in dhinaca kasoo horjeeda u geeyaan caano iyo biyo sida ay tilmaantay.
Haweenka la dilay waxaa ku jirta Haweeney Uur laheed , waxaana dilka haweenkan maanta loo geestay ay sii hurineysaa colaadii labada dhinac u dhaxeysay oo lagu hoolanaa sidii loo damin lahaa.
Dowlada Soomaaliya ayaan wali natiijo rasmi ah ka gaarin dib u heshiisiin la kala dhax dhigo labada beel ee ku dagaalamay Gobolka S/Hoose , waxaana Magaalada Marka hada maamulo dhinac kamid ah kooxihii dagaalamay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:53 and have
, Published at