daajis.com:-Waxaa
Hotelka Safaari ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Xaflad si Heer sare
ah loo soo Agaasimey kuna saabsaneyd Qalin jabinta Dafcadii 39 aad oo
gaareysa 108 Ardey kuwaas oo Machadka SOCOMIN ka Bartey Casharo la
xiriira DhinacaComputerka.
,waxaana
Munaasabadii Shahada Lagu Siinayay Ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee
Wasaraadda Shaqada Iyo Shaqaalaha Aweys Sheekh Xadaad Masuuliin
ka sacotay Shirkadaha Isgaariisnta , Macalimiinta wax ka dhiga
Machadkaas , Waalidiin, iyoArdeyda Wax ka barta Machadkaas iyo Marti
Sharaf kale.
Maamulaha
Guud ee Machadka Socomin Nuur Xaashi Muumin , ayaa si aad ah ugu
Dheeraadey Mar Xaladihii uu soo marey Machadkaas, isagoo sheegey in
Machadka ay ka Qalin JabiyeenArdey fara badan oo tirahaan ka badan
Labaantan kun (20.000)oo qaarkoodmaanta Dhameystey Jaamacadaha Dalka
Gudihiisa iyo Dibadiisa.
Maamulaha
Machadka SOCOMIN ayaa waxaa uu kula Dardaarmey Ardeydii ka Qalin
jabisey Machadka in ay halkaas ka sii wadaan Waxbarashooda si ay meel
sare uga gaaraan sidoo kale waxaa uu u soo jeediey inAqoontii ay halkaas
ka Kororsadeen uga Faaideeyaan Dadka kale ee aan Fursada u helin in ay
Wax Bartaan iyo kuwa kale ee Shaqooyinka ku Mashquuley.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:32 and have
, Published at