Malaysiya, qof aan Islaam ahayn ma dhihi karo “Allah”

Malaysiya, qof aan Islaam ahayn ma dhihi karo “Allah”

daajis.com:-Maxkamadda sare ee dalka Malaysiya ayaa riday xukun oranaaya inuusan isticmaali karin erayga “Allah” qof aan Muslim ahayn kadib dacwad socotay tan iyo 2009-kii.

Dalka Malaysiya oo ay ku noolyihiin 29 malyan ayaa sadex qaybood markii loo qaybiyo laba meel ay Muslim tahay, waxayna dooddu salka ku haysaa Muslimiinta oo dalbaday in loo dhaafo magaca ay u yaqaanaan uguna yeeraan Illaahooda oo dadka diimaha kale haysta ay la isticmaalaan.

 Muslimiintu waxay ka cawdeen in hadii qof aan Muslim ahayn ama meel aan macbud Muslim ahayn lagu isticmaalo erayga Allah markaasi ay sahlayso inay caruurta iyo dadka soo koraaya ay ku khaldamaan ama u wareeraan sidaasna ay uga silbadaan dariiqa toosan.

Maxkamadda sare ayaa ugu danbayn xukuntay inaan erayga Allah uusan isticmaali karin qof aan Muslim ahayn, waxayna arintani durba guux ka dhilisay saxaafadda galbeedka.

Waxaa jira dalal kale oo Muslimiinta iyo Gaaladuba wada isticmaalaan erayga Allah, sida dalka Masar iyo dalka Induniisiya oo ay ku noolyihiin Muslimiinta ugu badan caalamka.

Dadka yar ee haysta diimaha kale ayaa ku andacoonaya inay Malaysiya qaadayso jidka xasaradda iyo is nacayb ka, waxayna arintani keeni kartaa ayay leeyihiin in is dhexgalkii iyo wada noolaashihii ay isu badalaan nacayb iyo shaqaaqooyin, halka dadka Muslimka ay aad ugu riyaaqeen uguna farxeen xukunkani dhacay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 11:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada