daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Isbitaalka Keesaney ee kuyaala Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saakay gudaha Isbitaalkaasi uu ka dhacay qarax gaari lagu soo xiray kaa oo dhaliyay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxu dhacay markii gaari uu lahaa mid kamid ah dhaqaatiirta Isbitaalkaasi uu soo galay gudaha Isbitaalka lana dhigay goob loogu tala galay in gaariga lagu baakingareeyo.
Inta la xaqiijiyay hal qof oo la sheegay in uu ahaa kaaliyihii dhaqtarka lahaa gaariga la qarxiyay ayaa ku dhintay qaraxaasi lix qof oo kalana dhawaacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray.
Qaraxa ka dhacay Gudaha Isbitaalka Keesaney ayaa qal qal iyo cabsi badan ku abuuray gudaha Isbitaalkaasi , xaalada ayaana hada lasoo sheegayaa in ay tahay mid dagan , howlaha isbitaalka ayaana u socda si caadi ah.
Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkan kusoo kordhay qaraxyada gawaarida ay leeyihiin Masuuliyiinta iyo dadka waxgalka ah lagu xiro , waxaana qaraxyadaasi ka dhasha dhimasho iyo dhaawac soo gaara dadka wata gaadiidka qaraxyada lagu soo xiray.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:36 and have
, Published at