daajis.com:-Raysul wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo kusii jeeda magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, kaddib muddo ka badan 5 bilood oo uu ku sugnaa Muqdisho markii uu xilka ka dagay, waxaana garoonka Muqdisho ka qaaday diyaarad khaas ah oo dowladda Imaaraadku usoo dirtay.
Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya qaar kamid ah xubnaha golihii Wasiirada Xukuumaddii uu hoggaaminayey, Safiirka dowladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, ayaa kusii sagootiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku sugnaa Muqdisho tan iyo markii uu xafiiska baneeyey horraantii sanadkan waana masuulkii ugu horreeyey ee dalka ku nagaada markii uu xilka ka dagay.
Mudane Saacid ayaa sheegay inuu dhawaan dalka dib ugu soo laaban doono, isagoo u rajeeyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed Nabad iyo barwaaqo.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa xilka iskaga dagay kaddib markii Baarlamaanka Soomaaliya ay kala laabtaan kalsoonida Xukuumaddiisii.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:36 and have
, Published at