daajis.com:-R/wasaaraha dalka Turkiga, Receipt Dayib Erdogan ayaa xalay la kulmay xubno ka tirsan wafuudda ka qeybgaleysay shirka Istanbul ee qurbajoogta Soomaalida, kaasoo ay hoggaan ku doorteen.
Cabdiraxmaan Ceynte oo ka tirsanaa guddiga qaban-qaabada shirka, kana mid ahaa xubnihii la kulmay R/wasaaraha ayaa tilmaamay in Receipt Dayib Erdogan uu u sheegay inuu taageeray shirka, kana shaqeyn doono sidii loo sii hormarin lahaa Soomaaliya.
Sidoo kale Erdogan ayaa sheegay in sababta uu u taageeray shirka ay aheyd mid ka timid dadka Soomaalida ee qurba-joogta ah, isagoo xusay in dowladdiisu ay ugu duwan tahay dalalka kale taageeridda aragatida dadka Soomaalida.
Dhinaca kale waxaa shalay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu soo gabagabeeyay shirka qurbo joogta Soomaalida oo ay ku sameysanayeen nidaam ay dalka ku taageeraan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:58 and have
, Published at