daajis.com:-Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya horeyna usoo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladii KMG ayaa u muuqda mid aad ugu faraxsan in ay guuleesatay siyaasadiisii Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dowlada Somaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in heshiis laga gaaray Maamuladii is diidanaa ee looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo ,kuwaa oo kala ahaa mid ka kooban sadax Gobol uu Madaxweyne ka yahay Mad-deer iyo mid kale oo isna ka koobnaa ilaa lix Gobol uu Madaxweyne ka yahay Madoobe Nuunow.
Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ahaa maskaxdii ka dambeesay dhisida Mamaulka Koonfur Galbeed ee ka kooban Sadaxda Gobol Baay ,Bakool iyo Sh/Hoose in katoo uu ku hungoobay inuu Madaxweyne u noqdo Maamulkaasi kadib markii shacabka Baydhabo ay ku banaanbaxeen kuna qasbeen in uu Magaalada ka baxo.
Shariif Xasan ayaana badalkiisa waxa uu Madaxweyne u caleemo saartay Walaalkiis ku hooyo ah oo lagu magacaabo Maxamed Xaaji Cabdinuur (Mad-Deer) oo loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Maamulka KOonfur Galbeed ee kakooban Sadaxda Gobol.
Munaasabadii maanta lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee lagu shaacinayay in la aqoonsaday Maamulka Koonfur Galbeed ee ka kooban sadaxda Gobol laguna heshiisiiyay xubno ka tirsan labada Maamul ee is diidanaa waxaa kusugnaa oo lagu arkay Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Sawir laga soo qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhinac fadhiya Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa muujinaya sida uu ula dhacsan yahay in maanta ay guuleesatay siyaasadiisii Koonfur Galbeed Soomaaliya halka ay fashilantay Siyaasadii Madoobe Nuunow iyo Siyaasiyiin kale ee lagu dhiday Maamulka Lixda Gobol ka kooban.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 11:09 and have
, Published at