daajis.com:-Qoraalo ay daabaceen Warbaahinta Dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu
sheegay in Sirdoonka Mareykanka iyo AMISOM ay heleen Xogo ku aadan in
Kooxda Alshabaab ay maagan yihiin weeraro aan horay loo maqal oo ay ka
geystaan Xarumaha Dowlada iyo Saldhigyada Ciidamada kuwooda ugu waaweyn.
Qoraalka oo ay si wada jir ah usoo wada saareen Sirdoonka Dowlada
Mareykanka iyo Taliska Ciidamada AMISOM, ayaa waxaa looga digayay
Dowlada Federaalka Somalia oo iyadu badi muujiso Habacsanaan dhanka
Ammaanka ah
Qoraalka waxaa sidoo kale, lagu sheegay inay jirto Xogo ku aadan Weeraro
ay Alshabaab la damacsan yihiin Xarumahaasi ay ka heleen Sirdoonkooda,
waxa ayna ku baaqeen in la muujiyo Feegjignaan dhanka Ammaanka ah.

Dhanka kale, labadaasi garab waxa ay Soomaalida ugu hambalyeeyeen
dhalashada BishaRamadaan oo ah mid ka mid ah rukniyada diinta Islaamka
oo sanadkii mar yimaada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:41 and have
, Published at