daajis.com:-Ergeyga gaarka ah dowladda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRS) James P. McAnulty ayaa soo dhoweyyey 23da June Saxiixa Heshiiska dhexmaray maamulada Saddexda iyo Lixda gobol ee Koonfur Galbeed, si loo meel mariyo xalka dhismaha maamlka saddexda gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka waxay ku ammaaneysaa hoggaanka labada dhinac ee shirka ka qayb galay howshooda wax dhisaya iyo dhabar adeyga ay muujiyeen si loo helo xeer-jajab, kadib wadahadalo dib u heshiisiineed oo todobaadyo socday.
Mareykanka waxa ay sidoo kale aqoonsadeen kaalinta wax galka ah ee ay dowladda federaalka ee Soomaaliya ka cayaartay fududeynta wadahadalka dhexmaray xubnaha labada dhinac.
“Dowladda Mareykanka waxay soo dhoweyneysaa heshiiskaan taariikhiga ah, waxay sii wadi doontaa dhiirigalinta iyo taageerada dhammaan qaybaha si ay uga shaqeeyaan in ay gaaraan isu tanaasul xal ku dhisan, oo aan hormarineyn oo keli ah ka qayb galka dhammaan qabaa’ilada goboladaan, balse hormarineya nabadda iyo daganaanshaha. Waxaan rajeynayaa horumar waara oo laga gaaro dhismaha maamul iyo heshiiska maamul goboleed ay ka mid yihiin dhammaan qaybaha kale duwan,” ayuu yiri Wakiilka gaarka ah.
Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an saaxiibtinimada kala dhaxeysa dowladda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxayna sii wadi doontaa taageeridda dariiqa Soomaaliya ay ku gaareyso nabad, daganaansho iyo mustaqbal horumar leh.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 11:52 and have
, Published at