daajis.com:-Maamulka degmada Balanbal ee Gobolka
Galgaduud ayaa sheegay inay jiraan cabsi inay ka qabaan burbur ku
yimaada hishiis xabad joojin ah oo dhawaan la kala dhex dhigay beelihii
ku dagaalamay Gobolkaasi.
Deegaanka, ayaa waxaa horey ugu dagaalmay maleeshiyooyin kasoo kala jeeda beelaha Habar-Gidir iyo Mareexaan.
Madaxa arimaha bulshada ee maamulka Balanbal
Rujaal Axmed Maxamed ayaa u sheegay Idaacada Risaala ee magaalada
Muqdisho in cabsidaasi ay timid kadib markii dhinac kamid ah dhinacyadii
dagaalamay uu si aargudasho ahaan ah dil uu kaga geystay deegaan
Degmada Hoostaga.

Madaxa arimaha bulshada ee maamulka Degmada
Balanbal ayaa sheegay in dhankooda ay wadeen isku soo dhaweynta labada
beel ayna sii wadi doonaan qorshaha wanaajinta xiriirka labada
maleeshiyaad ee dagaalamay.
Wuxuuna ka dalbaday dhinacyada horay u
dagaalamay inay dhankooda ka shaqeeyaan nabad galyada deegaanka ayna
kala xadidaan maleeshiyaadkooda, si dagaalo kale aysan kaga dhicin
deegaanka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at