daajis.com:-Gobaha amaanka ee qaramada midoobe ayaa liiska argagixisada kudaray
kooxda islaamiga ah ee ADF ee dalka Uganda Kadagaalanta islamarkaana
xiriirka laleh sida la shaaciyay kooxda Al-shabab.
Kooxdan ADF ayaa lagu eedeeyay iney geysteen afduub ,askareynta
caruur ,kufsi iyo weeraritaanka Xarumaha qaramada midoobe ee dalkaasi ku
yaala.
Jamil Mukulu oo ah hogaamiyaha kooxda ayaa isagu waxaa lashegay inuu
xiriir laleeyhay kooxda Alshabab ee Somalia kadagalaanta islamarkaana ay
wadashaqeyn dhaxmartay marar badan.
Kooxda ADF waa koox hadafkeeda kusheegtay xoreynta dalka Uganda
waxayna saldhigyo kuleeyihiin dalka Congo waxaana tiradooda lagu
qiyaasaa ilaa 1,200 ama 1,400 dagaalyahano ah.

Dhanka kale dowlada Congo ayaa sheegtay in kooxdan ay kadambeesay
weerar lagu dilay ilaa 21-ruux oo ay kujiraan haween iyo caruur kaa oo
kadahcay meel udhow magalada Beni ee waqooyiga gobolka Kive bishii
December.
Si kastaba ha ahaatee kooxda Xasaradaha Aduunka Ee ICG ayaa dhawaan
waxay sheegtay in kooxdan ay tahay mid Qatar ku ah Dalka Uganda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:30 and have
, Published at