Daawo Sawirada:- Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay kulan looga hadlay maamulidda deeqaha Japan siiso.

Daawo Sawirada:- Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay kulan looga hadlay maamulidda deeqaha Japan siiso.

daajis.com:-Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Abdullahi Dool Mohamed ayaa shalay kaga qeybgalay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kulan seddex geesood ah oo looga hadlayay maareynta deeqaha maaliyadeed ee dowladda Japan ugu deeqday Soomaaliya.

Kulankani oo ahaa mid ay ka soo qeybgaleen hey’adaha Qaramada Midoobey iyo dowladda Japan , ayaa waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya uga wakiil ahaa Xoghayayaasha joogtada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Mudane Abdullahi Dool Mohamed, Qorsheynta Qaranka Mudane Abdi C. Dirshe iyo saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda , waxaana lagu falan-qeeyay qaabka loo maamulay deeqihii hore ee maaliyadeed ee dowladda Japan ay ugu deeqday Soomaaliya iyo qaabka cusub ee loo maareyn doono deeqaha kale .

Mudane Abdullahi Dool , ayaa kaga mahadceliyay dowladda Japan taageerada lixaadka leh ee ay la garab joogto dowladda Federaalka Soomaaliya , isagoo ka sheekeeyay xiriirka adag ee kala dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Japan.

Shirkani lagu qabtay Magaalada Nairobi ayaa waxa uu qeyb ka yahay xoojinta iyo u saldhiggidda xisaab hufan oo lagu qanci karo oo lagu maareeyo deeqaha.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada