Jaamacada SIU oo Furtay Laab Cusub Kaas Lagu Baranayo Sidi.

Jaamacada SIU oo Furtay Laab Cusub Kaas Lagu Baranayo Sidi.

daajis.com:-Jaamacadda Somali International University (SIU) ee ka mid ah jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay meydad ay keentay Kenya, kuwaasoo la sheegay in ardayda lagu barayo sida loo sameeyo qaliimada.

Jaamacadda SIU ayaa meydadkaas kusoo bandhigtay munaasabad shalay ka dhacday Muqdisho, taasoo lagu furayey Anatomy Laab casri ah oo ay yaalaan maydad iyo qalfoof macmal ah.
Jaamacaddaha SIU ayaa sheegtay iney meydadkaas Soomaaliya lagu keenay heshiis ay la gashay Jaamacadda Kenyatta ee dalka Kenya. Kuliyadda Caafimaadka ee Jamacadda Kenyatta ayaa ugu deeqday 5 Mayd, kuwaasoo ardayda kulliyadda caafimaadku ku baran doonaan habka qaliinka.
Waxaa munaasabadda ka qeybgalay qaar ka mid wasiirada Soomaaliya, sida wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Ducaale Aadan Maxamed iyo wasiirka Warfaafinta Mustaf Sh. Cali Dhuxulow, mas’uuliiyin ka tirsan Jaamacadaha iyo arday.
Hormuudka Jaamacadda SIU Prof. Yaxye Cali Ibraahin oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa ku sheegay sababta ay u keeneen shanta Meyd oo ay ardayda ku baranayan dhanka Qaliinka ay tahay sidii ay ardaydu u noqon lahaayeen kuwa ka dhisan dhanka cilmiga caafimaadka si loo helo dhaqaatiir tayo leh.

“Waxaa Jaamacadda SIU sharaf iyo farxad u ah in Mas’uuliyiinta ay noo furan Laab-kan casriga ah oo lagu soo kordhiyay Jaamacadda ee lagu baranayo dhanka qaliinka, kaddib markii aan heshiis horaantii sanadkan la galnay Jaamacadda Kenyatta University ee dalka Kenya, kaasi oo ku saabsan dhanka isdhaafsiga ardayda iyo cilmi baaris” ayuu yiri Prof Yaxye.
Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Cali Axmed Jimcaale ayaa sheegay in kuliyadan cusub ee lagu soo kordhiyay Jaamcadda SIU ay faa’ido weyn u tahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda barata dhanka caafimaadka.
“Waxaa soo baxaysa dhaqaatiir aqoontooda ay dhisantahay, waano tallaabo aad u wanaagsan oo sahlaysa inay meesha ka baxdo in qofkasta si fudud usheegto dhaqtar nimo” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda
Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa wax ku dayasho mudan ku tilmaamay talaabadan ay qaadeen Maamulka Jaamcadda SIU.
“Waa farxad ah in dhamaan dhalinyaradaan goobta ku sugan qaar fara badan oo ka mid ah haddii aan Jaamacado dalka ka jirin inaysan heli lahayn fursadaan oo kale, marka mas’uuliyiinta Jaamacadaha dalka waxaan ugu mahadcelinayaa doorka ay ka qaadanayaan horumarinta tacliinta sare ee dalka, Madaxda Jaamacadda SIU waxa ay mudan yihiin ku dayasho” ayuu Wasiirka Warfaafinta hadalkiisa ku daray.
Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ducaale Aadan Maxamed oo si weyn u amaanay maamulka Jaamcadda caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ay soo wado xeerka tacliinta sare ee dalka si loo helo nidaam tayeysan oo dhanka tacliinta sare Soomaaliya ku saabsan.
“Wasaaraddu waxa ay diyaarisay xeerka tacliinta sare ee dalka mardhawna waan dhaqan gelineynaa, Jaamacadii buuxin weysa sharuucda uu xeerkaasi dhigayo khadka ayay ka baxaysaa, tii buuxisana way sii wadaneysaa howsheeda, markale waxaan idinkaga mahadcelinayaa horumarka aad gaarteen” ayuu yiri Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare.
Jamaacadda SIU ayaa waxa ay ka mid ah tahay Jaamacadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee dalka ka howlgala, waxeyna horay uga jabtay Jaamacadda Somali University.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada