daajis.com:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo shalay hadal ka jeediyey Kulan ka dhacay Xarunta Hay’adda PDRC ee Magaalada Garoowe, ayaa soo hadal qaaday Khudbaddii Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid uu ka jeediyey Heshiiskii Maamul u samaynta Gobolada Dhexe ee ka dhacay 30-kii July Magaalada Muqdisho.
Dr C/weli Gaas ayaa sheegay in Hadalkii Cabdi qaybdiid ee ahaa ” Fad ama ha fadin waa lagu Fadsiin” uu ahaa Hanjabaad iyo Gardarro Garab, islamarkaasina uu Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya garab uga helayo, waxaase uu sheegay in Puntland aysan doonayn in Soomaalidu ay mar kale Dagaal dhibaato dib ugu laabato, balse ay xisaabtamayso oo aysan oggolaanayn.
Maah Maahdii Cabdi Qaybdiid waxaa ay xiisad xooggan ka kicisay Deegaanada Puntland gaar ahaan Gobolka Mudug, oo heshiiskaasi ka mid ahaa inuu ka mid noqonayo Maamulka loo samaynayo Gobolada dhexe ee Soomaaliya, taasina waxay sababtay in 1-dii August 2014 Dowladda Puntland ay xiriirka u jartay Dowladda Federaalka ah.
RIIX HALKAAN DHAGEYSO DR C/WELI GAAS
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:35 and have
, Published at