daajis.com:-Maanta waxaa magaalada kismaayo soo gaarey wafdi uu hogaaminayo safiirka Imaaraatka carabta ufadhiya soomaaliya Mohamed Ahmed Al OThmani .
Sidookale waxaa safiirka kuweheliyey booqashadan uu manta kusoo gaarey magaalada kismaayo safiir kuxigeenka imaaraatka carabta ufadhiya somaliya iyo gudoomiya mashaariicda imaaraatka carabta ee gudaha dalka somaliya.
Wafdigan ayaa markii ay gegida diyaaradaha ee magaalada kismaayo kasoo degeen waxaa halkaas kusoo dhaweeyey wasiirka arimaha gudaha jubbaland maxamed warsame darwiish iyo sidookale afhayeenka dawlad goboleedka jubbaland c/naasir seeraar.
Soo dhaweyn diiran kadib wafdiga ayaa loo gubiyey qolka shirarka ee madaarka magaalada kismaayo halkaas oo uu madaxweynaha jubbaland kuqaabiley safiirka iyo wafdigiisa.
madaxweynaha jubbaland iyo qaar kamid ah wasiirada jubbaland ayaa kulan laqaatey safiirka iyo wafdigiisa kulankaas oo lagaga wada hadlayey sidii mashaariicda hormarineed iyo kuwa gargaarkaba qeyb looga siin lahaa bulshoweynta jubbaland .
Madaxweynaha jubbaland ayaa uGu horeyn uga mahadceliyey safiirka imaatinka uu imaadey magaalada kismaayo sikal iyo laab ahna ay usoo dhaweynayaan asagoo sidookale kudhiiri galiyey fulinta mashaariic hormarineed iyo kuwa gargaar oo ay ufidiyaan bulshoweynta jubbaland ee ay saameeyeen dagaaladii kadhacayey gobolka sanadihii lasoo dhaafey.
Safiirka dawlada imaaraatka carabta ayaa sidookale uga mahadceliyey madaxweynaha soo dhaweyntooda asagoo sidoo kale ballan qaadey inay kafulin doonaan magaalada kismaayo mashaariic hormarineed iyo sidokale mashaariic gargaar.
kulankan ayaa kusoo gabogaboobey is afgarad buuxa iyo in laxoojiyo xariirka udhexeeya dawlad goboleedka jubbaland iyo imaaraatka carabta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:49 and have
, Published at