daajis.com:-Hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman al-Zawaahiri oo soo diray muuqaal ayaa ku dhawaaqay inay xafiis cusub ka furteen India oo ay kaga howl galayaan Koofurta Asia, si ay uga taagaan Calanka Jihaadka.
Muuqaalkan oo soconayay 55-daqiiqo ayaa balan qaaday inay dib u cusbooneysiiyeen garab-istaaga iyo u daacad ahaanshaha Hogaamiyaha Talibanka Afganistan Mullah Omar.
Waxaa uu sheegay in faraca cusub ee India ay noqon doonto mid isku xirta Muslimiinta ku nool dalalka Bangaladesh, Pakistan, Burma, Maamul goboleedka India ka jira ee dadka muslimiinta ay ku nool yihiin iyo Gobolka Kashmiir.

Al-Qaacida ayaa ka howl gala dalal badan, sida Waqooyiga Afrika, Gacanka Carabta iyo dalal kale oo ay Soomaaliya ku jirto, waxaana u weecashadooda dhanka Koofur Aasiya loo arkaa mid kooxdu ay awoodeeda ku baahineysao.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at