daajis.com:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ahna wakiilka Soomaaliya
ee Midowga Afrika, Ambassador Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan ayaa lagu
casuumay in uu ka hadlo Jaamacad Maraykanka ku taalla, wuxuuna ka
warbixiyay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Danjire Axmed ayaa tilmaamay in xiriirka labada dal uu aad wanaagsan
yahay isla markaana Soomaaliya iyo Itoobiya ay dhawaan kala saxiixdeen
heshiisyo 10 gaaraya kuwaasoo ay ku jiraan, arrimaha ciidamada,
waxbarashadda, ganacsiga iyo hawada.
Wuxuu sheegay oo kale in labada dal ay yihiin kuwa xor ah, sidaas
darteed ay lee yihiin dano isku mid ah iyo in ay ka shaqeeyaan siddii
loo xoojin lahaa danahaas.

Waxaa la weydiiyay bal in uu ka warramo qunsiliyadaha ay dalalka
dariska ka furanayaan magaalooyinka qaar, wuxuu tilmaamay in ay wadaan
qorshayaan ay qunsuliyad uga furanayaan magaalada Jigjiga maadama
halkaas ay ku nool yihiin Soomaali badan.
Ugu dambeyn waxaa la weydiiyay in dad badan oo Soomaali ah ay qabaan
in madaxda Soomaalida looga yeero Addis Ababa, wuxuu arrintaas ku
sifeeyay in labada wadan uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah isla
markaana loo baahan yahay in ay arrintaas kala tashadaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:05 and have
, Published at