Madaxweyne D.F oo Kenya uga qeyb galay Shir looga hadlayay Argagixisada Geeska Africa

Madaxweyne D.F oo Kenya uga qeyb galay Shir looga hadlayay Argagixisada Geeska Africa

daajis.com:-Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa halkaasi lagu wadaa in uu kaga qeyb galo kulan looga hadlayo arrimaha argigixisada oo hogaamiyayaasha Afrika 2-da bishaan uga furmaya dalka Kenya.
 
Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in wafdiga Madaxweynaha uu ka midyahay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo mas’uuliyiin kale, waxaana uu safiirku tilmaamay in kulanka berri uu yahay mid Madaxda Afrika uu ku casuumay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
 
“Shirka waxaa looga hadli doonaa la dagaallanka argagixisada iyo sida ay hogaamiyeyaasha Afrika uga qeyb qaadan lahaayeen sidii argagixisada looga cirib tiri lahaa guud ahaan Qaaradda Afrika, oo dhibaatooyin ku haya bulshada Qaaradda ku dhaqan” ayuu yiri Danjire Cali Ameeriko.
 
Danjiraha Soomaaliya ee Kenya ayaa xusay in Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ay ka soo laabteen dalka Turkiga, halkaasi oo ay dhawaan kaga qeyb galeen xafladdii caleemo saarka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada