Nin la dhashay Axmed Godane oo sheegay in walaalkiis ahaa geesi u shahiiday difaaca Diinta

Nin la dhashay Axmed Godane oo sheegay in walaalkiis ahaa geesi u shahiiday difaaca Diinta

daajis.com:-Nin la dhashay Hoggaamiyihii dhintay ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, oo la yiraahdo Baashe ayaa sheegay in Walaalkiis uu ahaa Geesi u shahiiday difaaca Diintiisa iyo dhaqankiisa suuban.

Baashe Axmed Godane oo Hargeysa ku qabtay shir jaraa´id ayaa hadalkan kaga jawaabay kalmad uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde uu ku sifeeyey Hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane inuu ahaa Daalin, isla markaana ay Xaq tahay in Daalinka la dilo, hase yeeshee.

Godane walaalkiis ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid gardaro ah oo aan Walaalkiisa qaban, waxaanu sheegay in Walaalkii uu ahaa Geesi u shihiiday Diintiisa iyo Dhaqankiisa suuban.

"Axmed Cabdi Aw Muxumed waxa uu ahaa Geesi u dhashay Ummadda Islaamka, waxa uu u dhintay Diintiisa ILLaahay agtiisana sharaf ayuu ka leeyahay, laakiin waxa hoog leh Ninka u adeegaya Gaal, ninka u adeegaya wax yeelada Diintiisa, ninka u adeega wax yeelada dadkiisa, ninka ku farxaaya dhimmashada dadkiisa. Ninkaasi ayaa hoog leh camalkiisa iyo tacabkiisuna khasaare ku sugan yihiin." ayuu yiri Baashe Cabdi Godane.

"Cali Maxamed Warancadde hadalka aad ku tidhi Marxuumku Daalin ayuu ahaa oo Daalinka waa Xaq in la dilla, waxa aad ogaataa inaad Caalamul Islaam aad godobtaa ka gashay oo ay kuu hayaan. Qoys ahaan hadaanu nahay waxanu u ragnaa erayga aad Walaalkay ku sifaysay inuu Godob dushaada saaran yahay oo aan kaa hadhi doonin." Ayuu yidhi Baashe Cabdi Godane oo ka hadlaayey erayo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ku sifeeyey Marxuum Sheekh Axmed Cabdi Godane.


Ugu danbeyntii Baashe Cabdi Godane ayaa walaalkiis ku tilmaamay qof Alle agtiisa ka sharfan, kana sharaf badan waxa uu wasiirka ku tilmaamay, isagoo intaa raaciyay in uu si sharaf leh u dhintay.

Maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer xabsiga u taxaabay Baashe iyo qoyska uu kasoo jeedo Axmed Godane, inkastoo mudo kadib xabsiga laga soo saarayay, walow ay ciidamada sirdoonka isha ku hayeen dhaqdhaqaaqa qoyskaasi.
 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada