daajis.com:-Wararka laga helaayo Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Xeebaha Magaaladaasi ay ka dhaqaajiyeen Laba Doon oo waday dhaawacyo aan la garaneynin tiradooda kuwaasi oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Maleeshiyada Alshabaab.
Labada dooni ayaa la sheegayaa in markii hore ay ka imaaden dhanka Yemen oo ay la socdeen Saraakiil ajnabi ah oo ka tirsanaa Alqaacida kuwaasi oo laabashadooda halkaasi ka qaaday dhaabacyo farabadan.
Wararku waxa ay Tibaaxayaan in Dhaawacyada la qaaday ay ahaayen kuwa lala bartilmaameystay Duqeymaha, iyadoona ay doonida oo isla socday ula ruqaansadeen dhanka Yemen, inkastoo aan si dhab ah loo garaneynin meesha ay abaarayaan.

Xiliga ay doonyaha halkaasi ka baxayeen waxaa xirnaa gabi ahaan wadooyinka gala xeebaha iyo Magaalada, iyadoona Ciidamo farabadan halkaasi la dhoobay, taasi oo muujineysa heerka Ciidanimo oo ay gaarsiisan yihiin Ragga dhaawaca ah ee loola cararay dawada.
Lama Oga halka lagu daaweyn doono, wallow warar hoose ay sheegayaan in la geynaayo xeebaha Yaman, gaar ahaan goobaha ay ka taliyaan Alqaacidada Dalkaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at