Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli oo goodin & amar isugu daray golaha wasiirada

Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli oo goodin & amar isugu daray golaha wasiirada

daajis.com:- War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxaa digniin loogu jeediyay Golaha wasiirada Xukuumada Somalia.

Amar uu soo saaray Ra’isulwasaaraha Xukuumada ayaa waxaa la faray Golaha wasiirada inay u hogaansamaan howlaha loo igmaday, islamarkaana aysan ka weecan nidaamka cusub ee Isku shaandheynta ah.

Amarka kasoo baxay Ra’isulwasaaraha ayaa waxa uu ku socdaa wasiirada, wasiiro ku xigeenadii iyo wasiiru-dowlayaashii uu isku shaadnheeyay, wuxuuna ka dalbaday inay u hogaansamaan isku shaandheynta uu sameeyay, si degdeg ahna ay xilalkooda ugu kala wareegaan, haddii taasi la waayana uu jawaab adag kasoo bixi doono.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in wasiiradii la isku shaandheeyay looga baahanyahay inay u hogaansamaan awaamiirta R/wasaaraha, isla markaasna ay ilaaliyaan sharciga dalka, ayna joojiyaan u xaqlinta dad gaar ah, loona baahanyahay inay xilalkooda gutaan.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale wasiirada lagu amray in si degdeg ah xilalkooda ugu kala wareegaan, waxaana lagu wargeliyey wasiirada inaan loo dulqaadan doonin in wasiirada ka biyaha diidan isku shaandheynta, loona baahanyahay inay amarka qaataan.

Dhanka kale, War-saxaafadeedkaani ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo uu Khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay Madaxweyne Xassan sheekh iyo Ra’isulwasaare C/weli.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada