daajis.com:- Waxa jira cuntooyin khaas ah oo dadka u noqda daawo dhaqameed, kuwaas oo lagu daaweeyo waxyaabahay ka midka yihiin madax xanuunka, cuno-xannuunka, dheelitirka hormoonada jidhka, kor-u-qaadista fahanka iyo hab-dhiska difaaca jidhka, xumada iyo qaar farxad u keena qofka cuna. Haddaba cuntooyinkan oo si cilmiyeysan iyo daraasado kala duwan lagu ogaaday faa’iidooyinkooda waxay kala yihiin sidan:
shaah
1 – Hormoonnada jidhka ku dheeli tir caleenta shaaha: Haweenka ay haystaan dhibaatooyinka hormoonada sida kuwa loo yaqaan Acne amma timaha soo saara, ayaa cilmi-baadhis lagu sameeyey caleenta shaaha lagu ogaaday inay daawo fiican u noqon karto hormoonadaas dhibtu soo gaadho. Cilmi-badhayaal Turkish ah ayaa ogaaday in cabitaanka shaaha caleentu ku badan tahay maalin kasta ay hoos-u-dhigaan xaddiga hormoonada jinsiga ee ku jira ragga amma labka jidhkooda, taasoo dumarka u noqon karta faa’iido, sababtoo ah waxay dumarka cabitaanka shaaha caleentu ku badan tahay ku badiyaan hormoonada timaha soo saara ee loo yaqaan Acne.
liin dhaanta

3- Xanjada oo la calashado: Awoodda maskaxdaada si aad u kordhiso badso calalinta xanjada Haddii aad caajis badan dareento subaxnimada hore waxad calashataaa xanjo si maskaxdaada awoodeedu u korodho. Cilmi-baadhis ay samaysay jaamacadda Coventry Univiersity ee dalka Ingiriisk ayaa lagu ogaaday in calaashiga xanjadu uu si toos ah hoos ugu dhigo caajiska iyo daalka, halka daraasado kale oo tan ka duwana soo bandhigeen in calaashiga xanjadu uu kor-u-qaado fahanka maskaxda 35%.
malabka

5. Hab-dhiska difaaca jidhkaaga:Dad badan oo inaga mid ah waxay ka cararaan uskaga iyo bakteeriyada, iyaga oo ka cabsi qaba in ay ku bukoodaan, balse mararka qaar walxaha aan nadiifta ahayn waxay muhiim u yihiin kor-u-qaadista hab-dhiska difaaca.
Uskaga aan badnayn waxa uu fiican yahay qofka caafimaadkiisa iyo inuu iska difaaco xannuunada, cilmi-baadhisyo la sameeyeyna waxay sheegeen in bakteeriyada aan waxyeelada badan lahayn ee laga helo carrada ay caawiso hab-dhiska difaaca, kaasoo ku samaysa carrin ay ugu diyaar garoobaan cudurrada soo gala jidhka.
Xigasho.qurbo
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 12:18 and have
, Published at