daajis.com:- Booliska dalka Koofur Afrika, ayaa markii ugu horeeysay soo bandhigay Soomaali tuugo ah, kuwaaso dhac u geystay Ganacsato Soomaaliyeed oo degan Bellville ee magaalada Cape Town.
Magacyada illaa hadda loosoo gudbiyay saxaafada ayaa sheegaya inay ku jiraan raggaas ayaa kala ah; Cabdalla Bay, Majaafo iyo Atoore; kuwaasoo taariikh xun ku reebay sharafta Soomaalida.

Ninka lacagta la baxsaday oo tuugada kale kasii dhuuntay ayaa waxaa lagu sheegay magaciisa Attoore, kaasoo isagana lagu daba-jiro. Sawirkiisa ayaa meel walba lagu dhajiyay, waxaana raadinaya booliiska Koonfur Afrika iyo dhammaan ganacsatada Soomaalida.
Jaaliyadda Soomaalida ayaa fariin u diray dadka ay isku dhow yihiin Attoore iyo ragga kale inay tallaabo adag ka qaadaan haddii ay gacanta ku dhigaan; isla markaana ay cadeeyaan mowqifka ay ka taagan yihiin.
Attoore ayaa la sheegay inuu yahay tuug dhaca Soomaalida ganacsiyada ku leh goobaha ka fog magaalooyinka dalka Koonfur Afrika, iyadoo dacwad ku aaddan kiiskiisa laga furay saldhiga Bellville iyo saldhigyo kale oo dalkaas ku yaalla.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at