Daawo:- Degmada Xamar Weyne oo maanta lagu soo bandhigay saddex nin oo Degmadaasi ku dishay nin oday ahaa

Daawo:- Degmada Xamar Weyne oo maanta lagu soo bandhigay saddex nin oo Degmadaasi ku dishay nin oday ahaa

daajis.com:- Ciidamada Booliska Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay maanta soo bandhigeen saddex nin, oo 19-kii bishaan Degmadaasi ku dilay nin oday ahaa.


Dilku wuxuu ka dambeeyay markii ay ugu dhex galeen dukaan ganacsi oo uu ku lahaa Degmadaasi, iyagoo doonaayay inay dhac ka geystaan, markii ay odaygu dileen waxay dusha ka saareen jawaano iyo baakado.


Waxay sheegeen in sababta ay u weerareen dukaankaasi ay ahayd, iyagoo ku tuhmaayay jawaan lacag ah, laakiin markii ay odayga dileen ay ka helayn hal milyan oo shilin Somali ah, oo u dhiganta kontor dollar ($50US).


Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr Xaashi Cilmi Nuur, oo Saxaafadda kula hadlay Degmada Xamar Weyne, ayaa sheegaaya in saddexdaasi nin ay u gudbiyeen Xabsiga Dhexe Xamar, si Cadaaladda loo horkeeno.


Wiil uu dhalay odayga la dilay oo lagu magacaabo Sayid Cali Aadan, ayaa wuxuu soo dhaweeyay in gacanta lagu soo digo dembiile-yaasii dilay aabihii, si sharciga loogu qaado.


Marxuumka, ayaa laba maalmood ka dib meydkiisii laga helay dukaankii lagu dhex dilay, xilli eheladiisu ay in muddo ahba ka dhex raadineysay qaybaha Degmada Xamar Weyne. Wuxuuna dilkaasi baqdin geliyay dadka deegaanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada